Hoggaamiyayaasha Gobalka W/bari ee Kenya waxay shalay ka qeyb galeen Munaasabad loogu baroor-diiqayey Ardayda iyo Askartii lagu dilay weerarkii ay Alshabaab sannadkii hore ku qaadeen Jamaacadda Garissa.
Aadan Barre Ducaale oo ah Mudanaha aqlabiyadda badan ku dhex leh Barlamaanka Kenya oo ka hadlay Munaasbadaasi waxa uu mar kale ku celiyey inaysan Dowladda Kenya la soo bixi doonin Askartooda joogta gudaha dalka Kenya.
“Dowladda Jubilee marnaba ciiddanka kama soo daad-gureyn doonto Somalia ilaa laga xidid-siibayo Alshabaab iyo kooxaha kale†ayuu yiri Aadan Barre Ducaale, oo intaasi ku daray “Amamanka Somalia waxa uu la mid yahay Ammaanka Kenyaâ€.
Dhinaca kale, Dibadbixii shalay ka dhacay Garissa waxaa kaloo ka qeyb galay Danjiraha Somalia u jooga Kenya, Jamaal Hassan, wuxuuna taageero u muujiyey Reer Kenya, isagoo sheegay inay si wadajir ah uga hortegi doonaan Alshabaab.
©Radio Dalsan