Guddiga doorashada dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa shaaciyay Jadwalka doorashada afar kursi oo kamid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, kuwaasi oo deegaan doorashadoodu tahay Baladweyne.
Qoraal kasoo baxay Guddiga doorashada ayaa lagu sheegay in soo gudbinta ergada wax dooraneysa iyo diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya kuraasta ay bilaabaneyso maalinta berri oo sabti oo ay taariikhdu ku beegan tahay 25-ka bishaan Maarso.
Guddiga ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in doorashada afarta kursi ee Golaha Shacabka la qaban doono 27-ka bishaan, waxaana doorashadaas ka dhaceysaa Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Maamulada Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaa weli dhameeynin doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad, waxaana Maamulka Jubbaland ay caqabad siyaasadeed ka heysataan deegaan doorashada labaad ee Magaalada Garbahaarey.