Dowlad Goboledka Hirshabeelle ayaa qaadacday ka qeyb galka  Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada oo lagu wado inuu Maanta ka furmo Magaalada Muqdisho, kaasi oo uu ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa waxaa lagu sheegay in Hirshabeelle aysan ka qeyb aheyn Shirka looga hadlayo dardar-gelinta heshiiskii laga doorashada dalka ka dhaceysa ee Maanta furmaya.
Hirshabeelle ayaa caddeysay in aan la tashi lagala sameeyn qabsoomida Shirkan oo uu ku baaqay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Rooble, isla markaana xustay in wixii kasoo baxaya uusan maamulka queeynin.
“Hirshabeelle waxay cadeyneysaa inaysan qeyb ka ahayn shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir uga furmaya Magaalada Muqdisho. Dowladda Hirshabeelle maadaama aysan talo ku lahayn qabsoomida shirka, wixii kasoo baxa ma noqon doonaan wax quseeya Hirshabeelle†ayaa lagu yiri Qoraalka.
Hirshabeelle ayaa intaas waxaa ay kusii dartay in ay dhowrayaan fulinta heshiisyadii 17-kii September iyo kii 27dii May laga gaaray qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa, isla markaana heshiiska ay saxiixeen Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada.
Madaxweyneyaasha maamulada sida Jubbaland, Koonfur Galbeed, Puntland iyo Galmudug ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho, waxaana ka maqan oo kaliya Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo safar shaqo ugu maqan dalka Turkiga.