Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha iyo dowladaha Hoose ee Maamulka Cabdi Daahir Guure Karoore ayaa maamul cusub u magacaabay degmada Xawaadleey ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka.
Wasiir Daahir Guure ayaa guddoomiyaha cusub ee degmada Xawaadleey u magacaabay inuu noqdo Eng Ibrahin Bashlir Cumar, halka Muuse Maxamed Xasan laga dhigay Guddomiye ku-xigenka Amniga & Siyaasadda degmadaasi.
Sidoo kale Guddomiye ku-xigenka Arrimaha Bulshada degmada Xawaadleey ayaa loo magacaabay Maxamed Cali Idow, mas’uuliyiinta loo magacaabay Maamulka degmada Xawaadleey ee Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa la faray inay waajibaadkooda gutaan.
Hoos ka Akhriso wareegtadaÂ