Magaalada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa Maanta ka dhacay Banaanbax xoogan oo ay dhigeen inta badan dadka deegaanka Magaaladaas kunool.
Dadweyne isugu jiray dhalinyaro, Caruur iyo Haween ayaa isugu soo baxay bartamaha Magaalada Buulo-burte, kuwaasi oo aad uga careysnaa Dameer saakay lagu qalay Suuqa xoolaha ee ku yaalla Magaaladaas.
Dadka banaanbaxa dhigaayay ayaa sheegay in maalmihii lasoo dhaaafay la isla dhex marayay gudaha Magaalada warar sheegaya in Suuqa xoolaha lagu iibiyo Hilib Dameer, hayeeshee Maanta la arkaya Hilib dameer oo yaalla Suuqa.
Qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Idaacadda Dalsan ayaa u sheegay in Dameerka xalay ka gowcaray, isla markaana lasoo geliyay Suuqa Magaalada, lana doonayay inay dadka laga iibiyo, waa sida hadalka looga dhigay.
Sidoo kale shacabka ayaa Magaalada ayaa maamulka Buulo-burte ka codsaday in si deg deg ah loo qabto Ninkii gowracy Dameerka, lana qaado tallaabo sharci ah, iyadoona siweyn arrintaas looga hadal haayo Magaalada.
Sawirro laga soo qaaday Dameerka la gowracay laguna faafiyay baraha Bulshada ayaa muujinayay in dameerka la qalay, ayna dadka maqaarka iyo lafaha dameerkii ku dhex jiidayeen gudaha Magaalada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan.