Danjiraha dalka Talyaaniga ujooda soomaaliya H. E. Fabrizio Marcelli, iyo wakiil ka socda hey’adda QM uqaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, Ms. Bushra Halepota, ayaa wada saxiixay heshiis cusub oo dhigaya in kaalmo maaliyadeed lagu caawiyo hey’adda UNHCR si dib loogu soo celiyo Qaxootiga soomaalida, gaar ahaan kuwa ku sugan dalka Yemen, oo ay dagaalo sokeeye ay ka socdaan.
Munaasabadan ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha hey’adda Qaxootiga somaliya iyo Dadka Gudaha Ku Barokacay, Mr. Ahmed Nuur, Ambassador-ka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya ujooga dalka Kenya, HE Jamal Mohamed Hassan iyo Ergayga gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ee Xuquuqda Carruurta ee iyo Muhaajiriinta, Ms. Mariam Yassin Hagi Yussuf.
Heshiiska waxa loola jeedaa in deeq ah 1 milyan oo Euro lagu tageero mashruuca UNHCR, iyadoo lagu caawinayo sidii Qaxootiga soomaalida ee dalka Yemen loo keeni lahaa soomaaliya.
Mashruuca ayaa sidoo kale lagu shegay in ujeedkiisu uu yahay gargaar in loo fidiyo Qaxootiga soomaalida ee kazoo carraray dalka ay dagaalada ka jiraan ee Yemen.
Lacah gaareysa  4.7 million Euro ayaa sanadkii lasoo dhaafay la sheegay lagu loogu howgalay soomaaliya oo dhan.