Madaxa Hey’ada Waxbarashada Sayniska Ee Unesco ayaa shir saxaafadeed kasoo saaray, cambaareynta wariyaala u kala dhashay wadamada Soomaaliya iyo Afgaanistaan oo lagu dailay dalalkaasi.
Waxaan cambaareynayaa dilka wariye Sagal Salaad Cismaan, ayuu yiri, agaasimaha guud ee hey’adda Waxbarashada Sayniska Ee Unesco.
Sagal Salaad Cismaan, waxaa ay u shaqeyneysay Radiyaha iyo Televeshinka dowladda soomaaliya, waxaana kooxo hubeysay ay ku dileen nawaaxiga jaamacadda Plasma ee degamada hodan ee Gobolka Banaadir.
“ isku dhacyada waa wax aan la aqbali Karin†. ayuu yiri agaasimaha guud ee hey’adda Waxbarashada Sayniska Ee Unesco.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in uu cambaareynayo, weerar lagu dilay sawir qaade u dhashay dalka Afgaanistaan oo lagu dilay dalkaasi.