Hey’adda Hormarinta Haweenka Soomaaliyeed ee SWDC, ayaa maanta oo jimca aheed,  tartan kubada cagta ah oo lagu weyneynayay Maalinta Dhalinyarada Aduunka, ku qabatay Magaaladda Mogadishu.
Tartanka, ayaa waxaa ka qeybgalay ciyaartooy laga soo xulay xerayaha barakacyaasha ee magaaladda mogadishu.
Agaasimaha Hey’ada Horumarinta Haweenka Somaliyeed SWDC, Aamina Caraale, ayaa garoonka tartarnka kubada cagta ka sheegatay, in ay sii wadayaan ka shaqeynta hormarinta bulshadda.
12 bisha August, waxaa sanad walba loo dabaal degaan maalinta Caalamiga ah ee Dhalinyarada Aduunka, waxaana markii ugu horeysay loo dagabaal degay sanadkii 2000.