Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee gobolka Hiiraan ayaa dhawaan la geliyey heegan cusub oo lagu xoojinayo howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyadoo loo diyaariyey in si degdeg ah looga qaado talaabooyin dheeraad ah. Heegankan cusub waxaa loogu talagalay in lagu adkeeyo amniga gobolka iyo in si waxtar leh loola dagaallamo Al-Shabaab, kuwaas oo muddo dheer ka talinayey deegaano ka tirsan gobolka Hiiraan.
Saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale booqday furumaha dagaalka si loo dardar geliyo howlgalada ka socda gobolka. Mas’uuliyiinta booqday goobaha dagaalka waxaa ka mid ahaa Taliyaha Ciidanka Lugta, Taliyaha NISA Sanbaloolshe, iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobolka Hiiraan. Booqashadan waxay ka mid ahayd dadaallada lagu xaqiijinayo hawlgallada socda.
Ciidanka ayaa ka kooban ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ee loo yaqaan “Macawisleyda.” Ciidamadan deegaanka, oo ah xoogag isku duuban oo ka dagaalama deegaanka, ayaa gacan ka geysta howlgallada iyo la dagaalanka AS.
Waxaa sidoo kale booqday fariisimaha ciidanka Hoggaamiyaha Macawisleyda, Cali Jeyte, iyo xubno kale oo saraakiil ah, kuwaas oo taageeray ciidanka ku sugan furimaha dagaalka.
Intaasi kadib, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, Odawaa, ayaa horey ugu gaaray Gobolka Hiiraan, isagoo sheegay in gobolkaasi uu noqon doono meesha laga bilaabo howlgalada kala duwan.
Howlgaladan waxaa la filayaa inay isugu jiraan kuwa ka dhan ah Al-Shabaab iyo sidoo kale kuwa lagu baabi’inayo isbaarooyinka ka jira gobolka. Taliyuhu wuxuu muujiyay in gobolka Hiiraan uu noqday bartilmaameed istiraatiijiyadeed oo muhiim ah, taas oo sidoo kale qayb ka noqonaysa qorshayaasha guud ee dowladda.