Telefishinka Citizen TV ee Kenya ayaa baahiyey inay Ciiddanka Kenyanka ku sugan gudaha Somalia iyo Hay’addaha Ammanka Kenya bilaabeen Hawlgal xooggan oo ay ku baadigoobayaan Muwaadinka Kenyanka ee Madaxda ka ah Taliska Alshabaabka hawlgalladda ka fuliya gudaha Kenya, Axmed Iimaan Cali.
Muuqaal Video oo uu Hoggaamiyahaasi ka dhex muuqday waxa uu sheegay inuu ka qeyb galay Weerarkii ay Alshabaab bishii Janaayo 15-dii ee sannadkan ku qaadeen Ciiddankii Kenyanka ee ku sugnaa Xeradda Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.
Axmed Iimaan Cali waxa uu Muuqaalkaasi ku sheegay in Labiska Ciiddanka iyo Qoriga uu wato yihiin qaniimo ay ka heleen Hawlgalkii Ceel-cadde.
Dhinaca kale, Ilo dhinaca Sirdoonka Kenya ayaa lagu sheegay inuu Hoggaamiyahaasi yahay Madax u yahay Dagaalyahanadda Kenyanka ee ka tirsan Alshabaab.
Hoggaamiyahaasi oo ka soo qalin jebiyey Jaamacadda Jomo Kenyatta ee Beeraha iyo Teknoolajiyadda (Jomo Kenyatta University of Agriculture and Technology), waxay Dowladda Kenya madaxiisa dul-dhigtay abaalmarin Lacageed oo dhan 300 million oo Shillinka Kenya.
©Radio Dalsan