Tallaabadaasi ayaa timid, kadib, markii ay soo baxeen in kooxo hubeysan oo la rumeysan yahay inay yihiin Alshabaab lagu arkay duleedka Degmadda Wajeer ee u dhow xuduudka Somalia.
Guddoomiyaha Gobalka Wajeer, Michael Ole Tialal ayaa tilmaamay in la soo gaarsiiyey in kooxo hubeysan oo lala xiriirinayo Alshabaab lagu arkay Deegaanka Welmerer oo ku-dhawaad 70 KM u jirta Degmadda Wajeer.
Waxa uu intaasi ku daray inay ka fal-celin doonaan cabsida Alshabaab, iyadoo uu sheegay inuu sahanka Alshabaab yahay mid ay ku qiimeynayaan Feejignaanta Ammaanka ee ka jirta Wajeer, waa sida uu hadalka u yiri.
Michael Ole Tialal waxa kaloo uu tilmaamay inay heleen warar noocaasi oo kale ah inay koox ka tirsan Alshabaab lagu arkay duleedka Deegaanka Kutulo.
Waxa uu ku micneeyey sababaha Nawaaxiga Wajeer ugu soo kordhayaan Alshabaab inay tahay iyagoo doonaya inay gabaad ka helaan Kenya.
©Radio Dalsan      Â