Barta Twitterka ee Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka NISA ayaa lagu qoray inay nasiib-xumo tahay inuu Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ka jawaabo war uu balaf ahaan loogu sheegay war aan jirin,  isla markaana uu ku eedeeyey NISA inay xireen Hoggaamiye-dhaqameed.
Waxaa Twitterka ee NISA  lagu xusay inaysan Ciiddanka NISA xireen Oday-dhaqameedka uu Ra’isul-wasaaraha sheegay inay Ciiddanka NISA xireen.
Qoraalka Barta Twitterka ee NISA waxa u qornaa sidatan:
Its unfortunate that the PM was mislead. NISA did not arrest the said elder. Here is on his own words.
PM Sharmarke (a pres candidate) says national intel agency is interfering in election process, says an elder was arrested yesterday by NISA.
Dhinaca kale, Twitterka NISA ayaa lagu soo bandhigay Muuqaal muujinaya Oday-dhaqameedka oo Shir Jaraa’id qabtay.
Hadalka Jawaab-celinta ee Hay’adda NISA ayaa soo baxay, kadib, markii uu Ra’isul-wasaare Cumar C/rashiid soo saaray Qoraal uu ku eedeeyey NISA inay xireen Oday-dhaqameed ka soo jeeda Goballadda Waqooyi, kana mid ahaa 135-ka Oday Dhaqameed ee soo dhisay Dowladda Federalka.
Ra’isul-wasaarr Cumar ahna Musharax Madaxweyne  waxa uu ku amray Ciiddanka NISA inay faraha kala baxaan Hawlaha Doorashadda Dadban ee ka socda Goballadda Dalka.
Hadalka Ra’isul-wasaaraha ayaa ku soo beegmayo iyadoo inta badan 135-ka Oday Dhaqameed cabasho ka muujinayaan in faragelin lagu hayo Hawlaha loo idmaday.
Suldaanka Guud ee Beesha Wacaysle Abgaal Suldaan Maxamed Shido oo ka mid ah 135-ka Oday-dhaqameed ee soo dhisay Dowladda Federalka ayaa ka mid ah Odayaasha ka cabanaya Faragelinta lagu hayo Hawlihiisa ku aadan Doorashadda.
Suldaan Maxamed Cabdi Shido ayaa ah Oday-dhaqameedkii ugu horeeyey ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud u saaxiixay Kursiga Siyaasadda ee uu haatan ku fadhiyo sannadkii 2012-kii.
Imaamka Beelaha Mundulood, Iimaan Maxamed Yuusuf ayaa isagana saluug badan ka qaba Faragelinta lagu hayo.
©Radio Dalsan
Â