Muqdisho, Soomaaliya — Abriil 24, 2025 — Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, iyada oo kaashaneysa Machadka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Qaranka iyo Machadka SIMAD iLAB ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay shirka Maalinta Gabdhaha ICT-da si loo xoojiyo looguna dhiirigeliyo gabdhaha iyo haweenka sidii ay ugu biiri lahaayeen xirfadaha ICT-da ee sii kordhaya.
Shirka ayaa waxaa ka soo qeybgalay mas’uuliyiin ka socday dowladda, hay’adaha horumarinta, jaamacadaha, shirkadaha isgaarsiinta, bixiyeyaasha adeegyada internet-ka, iyo ururada bulshada rayidka.
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka, Mudane Mustafa Yaasin Sheekh, oo furitaanka shirka ka hadlay ayaa tilmaamay sida ay hay’addu uga go’antahay horumarinta xirfadaha dhijitaalka ee dhalinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan gabdhaha:
“Tan iyo 2018-dii, Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka waxay hormuud ka ahayd dadaallo lagu xoojinayo xirfadaha dhijitaalka ee gabdhaha, iyadoo qabanqaabisay tartamo heer qaran ah, bixisay in ka badan 35 koorsooyin tababar ah oo si gaar ah loogu talagalay in lagu kordiyo xirfadaha ICT-da ee muhiimka ah, si guul ah ayaan u tababarnay in ka badan 400 oo gabdhood. Dadaalladani waxay hoosta ka xarriiqayaan sida ay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka (HIQ) uga go’an tahay kobcinta aqoonta dhijitaal ah oo loo wada dhan yahay iyo in la xoojiyo jiilka soo socda ee haweenka dhinaca teknoolajiyada”
Shirka ayaa sidoo kale lagu martiqaaday hoggaamiyaal iyo khubaro gudaha iyo dibbeda ah, oo ay ka mid yihiin Lionel Laurens, Wakiilka UNDP ee Soomaaliya, iyo Dr. Ally Simba, Madaxa Ururka Isgaarsiinta Bariga Afrika (EACO), waxayna carabka ku adkeeyeen baahida loo qabo maalgelin joogto ah oo la xiriirta waxbarashada Teknoolojiyadda iyo Sayniska (STEM) iyo barnaamijyada la-talinta si kor loogu qaado hal-abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed.
Waxaa kaloo shirka lagu soo bandhigay fadhi-doodyo la xiriira waxbarashada Teknoolojiyadda iyo Sayniska (STEM), horumarka teknoolojiyadda iyo doorka haweenka, iyo tartan ay gabdhuhu kusoo bandhigeen hal-abuurnimadooda dhanka ICT-da.
Gebogabadii, Mudane Maxamed Aadan Macalin, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, oo shirka soo xirey, sheegay in dowladda Federaalka ay ka go’antahay in la dhiso mustaqbal dhijitaal ah oo loo wada siman yahay:
“Horumarka dhijitaalka ee Soomaaliya ma dhamaan doono ilaa dhalanyaradeenna fursad u hesho inay barato, ka qeybqaadato hal-abuurka, doorna ku yeelato hoggaaminta horumarka teknoolojiyadda dalka.”
Shirka Maalinta Gabdhaha ICT-da ayaa sii xoojinaya ballanqaadka HIQ ee ah in la taageero siyaasadaha ICT-da ee loo dhanyahay, la yareeyo farqiga dhijitaalka ee u dhexeeya labka iyo dheddigga, lana abuuro jawi sahlaya kobaca dhaqaalaha dhijitaalka ah ee Soomaaliya.