Hay’adda Duulista Rayidka ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si cad u beenisay wararka la isla dhexmarayo ee sheegaya in maamulka hawada Soomaaliya lagu wareejinayo dal shisheeye. Warsaxaafadeed ay soo saartay Hay’adda Duulista Rayidka ayaa si rasmi ah loogu xaqiijiyay in aanay jirin wax suurtogal ah oo maamulka hawada dalka lagu wareejin karo gacan shisheeye, isla markaana aysan jirin wax qorshe ah oo ay dowladdu ogtahay oo arrintaas ka dhigi kara mid suurtagal ah.
“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay shacabka Soomaaliyeed u caddaynaysaa in hawada Soomaaliya ay gacanta ku hayaan oo ay si buuxda u maamulaan hay’adaha dowladda, mana jiro qorshe ah in gacan kale loo wareejiyo. Dowladda Federaalka Soomaaliya kama warqabto wax qorshe ah oo taas keeni kara,†ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka Hay’adda.
Warka ka soo baxay Hay’adda Duulista Rayidka ayaa soo baxay wax yar uun ka dib markii Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, uu si weyn uga digay in maamulka hawada Soomaaliya lagu wareejiyo dal shisheeye, isaga oo si gaar ah farta ugu fiiqay dalka Imaaraadka Carabta. Farmaajo ayaa sheegay in tallaabadaas ay dhaawac weyn u geysan karto madaxbannaanida iyo qarannimada Soomaaliya, taas oo dhalisay dareen xooggan oo ay shacabka Soomaaliyeed ku muujiyeen walaacooda.
Hay’adda Duulista Rayidka ayaa sidoo kale tilmaantay dadaalka ballaaran ee ay khubarada Soomaaliyeed iyo dowladdu u galeen dib u soo celinta maamulka hawada, kaas oo guul weyn laga gaaray, si dalka Soomaaliya u gaaro heerka ugu sarreeya ee Class A. Waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in qalabka casriga ah iyo khubarada Soomaaliyeed ay si weyn uga qayb qaateen horumarinta maamulka hawada, taasoo meesha ka saaraysa baahida loo qabo in dalal shisheeye lagu wareejiyo maamulkaas.
Warsaxaafadeedka Hay’adda ayaa ugu dambeyntii ku boorriyay shacabka Soomaaliyeed inay si buuxda ugu kalsoonaadaan awoodda iyo kartida hay’adaha dowladda ee ku aaddan ilaalinta iyo maamulidda hawada dalka, isla markaana aysan jirin wax cabsi ah oo la xiriira in maamulkaas lagu wareejiyo gacan shisheeye.