Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa maanta soo saartay bayaan rasmi ah oo ay ku caddeyneyso in aysan jirin wax isbeddel ama hakad ah oo ku yimid duulimaadyadii caadiga ahaa ee tegi jiray magaalada Baydhabo. Qoraalkaan, oo si kooban loogu faahfaahiyay xaaladda duulimaadyada, ayaa lagu yiri: “Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxa ay u xaqiijineeysaa dhammaan Shacab weynaha Soomaaliyeed in aysan jirin wax isbedel ama hakad ah oo ku yimid Duulimaad-yadii maalin-laha ahaa ee tagi jiray magaalada Baydhaba.”
Bayaan ka soo baxay hay’adda ayaa yimid kadib markii barqanimadii maanta ay soo baxeen warar sheegayay in garoonka diyaaradaha ee Muqdisho lagu hakiyay rakaab u socday magaaladaas Baydhaba, taas oo dhalisay shaki ku saabsan amniga iyo xaaladda duulimaadyada.
Wararka qaar ayaa tilmaamayay in hakadkan uu la xiriiro khilaafka daba dheeraaday ee u dhexeeya Maamulka Koofur Galbeed iyo Dowladda Federaalka, kaasoo ay weli dhinacyadu xal rasmi ah ka gaarin.
Inkasta oo wararka hakadka uu sababay ay weli mugdi ku jiraan, haddana qoraalka SCAA wuxuu u muuqdaa mid lagu doonayo in shacabka looga dajiyo walaaca, iyadoo ay jiraan baahi weyn oo loo qabo in la adkeeyo xiriirka iyo wada-shaqeynta dhinacyada kala duwan ee dowladda iyo maamulka Koofur Galbeed.