Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR ayaa sheegtay inay in ka badan 819,000 oo Soomaali ah ay Nagangelyo-doon ahaan ugu nool yihiin dalalka dibedda, kuwaasi oo badankooda ku nool dalalka deriska la ah Somalia.
Warbixinta waxaa lagu sheegay in tirada ugu badan oo dhan 767,500 oo Qaxooti ah ay ku nool yihiin Xeryaha Qaxootiga ee dalka Ethiopia.
Sidoo kale, 255.500 oo kalena ku nool yihiin Xeryaha Qaxootiga ee Kenya, halka ay 256,000 o okalena ku nool yihiin Yemen.
Hay’adda UNHCR waxay sheegtay inay ku hawlan yihiin sidii ay Qaxootigaasi ugu heli lahaayeen Xal, in laba daraale midkood in dib loogu soo celiyo dalkooda Hooyo ama in Dib-u-dejin laga siiyo Waddan 3-aad.
Dhinaca kale, Hay’addu waxay soo bandhigtay Liiska tirada Soomaalida dib loogu soo celiyey dalkooda hooyo iyo dalalkii ay Qaxooti ahaanta ugu noolaayeen.
Warbixinta waxaa lagu sheegay in 83,669 Qaxooti Soomaali si nabad ah ugu soo laabteen dalkodoa hooyo, kuwaasi oo laga soo daad-gureeyey 9 Waddan oo ay Qaxooti ahaan u joogeen.
825 Qaxooti Soomaali waxay ka soo laabteen Kenya, iyadoo 655 ka soo laabteen Yemen, iyadoo dalka Tunisia laga soo celiyey 28 qof, halka dalka Ukraine laga soo celiyey hal qof oo Qaxooti ahaan ugu noolaa dalkaasi.
Si kastaba ha ahaatee, Tan iyo markii ay Hay’adda UNHCR bilwoday mashruuca Dib-u-celinta aan khasabka ahayn ee Qaxootiga Soomaalida bishii December ee sannadkii 2014-kii waxaa dib loo soo celiyey 83,669 Qaxooti Soomaali ah.