Golaha Midowga Europe ayaa bishan November 25-dii u codeeyey in xilliga loo kordhiyo Hawlgalka Ciiddanka Badda Midowga Europe ee The European Union Naval Force ee EUNAVFOR ka wadaan Xeebaha dalka Somalia.
War-saxaafadeed ka soo baxay Xarunta Dhexe ee Midowga Europe oo ku yaalla caasimadda dalka Belgium ee Brussels ayaa lagu sheegay in xilli-hawleedka Hawlgalkaasi ku ekaan doono bisha December 31-da ee sannadka 2018-ka.
Golaha waxay kale ansixiyeen Miisaaniyadda Kharajka Guud ee Hawlgalkaasi oo ku kici doonta lacag dhan 11.064 million oo EURO.
Hawlgalka Ciiddanka Badda Europe ka wadaan Badda Somalia ee Operation Atlanta waxa uu hawlgalka ka bilaabay Xeebaha Somalia bishii December ee sannadkii 2008-dii, si looga hortago Falalka Burcad-baddeeda iyo Kooxaha Hubeysan ka wadaan Xeebaha Somalia.
Hawlgalkaasi waxa uu qeyb ka yahay Qorshaha dhamaystiran ee Midowga Europe si Somalia loogu soo dabaalo Nabad buuxda, Deganaansho iyo Dimuqraadiyad.
Dhinaca kale, Hawlgalka Operation Atlanta waxa kaloo lagu badbaadiyaa, laguna gelbiyaa  Maraakiibta Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP iyo maraakiibta kale iyo in la kormeero Dhadhaqaaqyadda Kalluumeysiga sharci-darradda ee ee goobaha ka baxsan Xeebaha Somalia iyo taageerada howlgalada kale oo EU-da iyo Barnaamijyada Gobolka.
©Radio Dalsan