Maxkamadda magaalladda Nairobi waxaa shalay la soo taagay Nuseyba Maxamed Xaaji oo Arday barata Cilmiga Dhakhtarnimadda ka ah Isbitaalka Mubende ee dalka Uganda.
Haweeneyda oo ay Boliska Uganda u soo gudbiyeen dhigooda Kenya ayaa  la sheegay inay u  dhaxdo Nin ay Hay’addaha Ammaanka Kenya ku eedeynayaan inuu qorsheynayey inuu weerar ka geysto Kenya.
Maxkamadda shalay ayaa la sheegay inaysan Haweeneydaasi ku soo oogin wax dacwad ah, kadib, markii ay Baarayaasha Boliska ka codsadeen Xeer-beegtida Maxkamadda in loo oggolaado 30 maalmood si ay ugu soo dhamaystiraan Baaritaankooda.
Dhinaca kale, Toddobaadkii hore waxay Maxkamadda Kenya amar ku bixisay in la soo qabto Nuseyba Maxamed Xaaji, kadib, markii la qabtay Ninkeeda oo lagu magacaabo Maxamed Cabdi Cali, oo lagu eedeynayo inuu qorsheynayey inuu Bakteeriyadda Antarakiska u isticmaalo weerar uu ka geysto Kenya.
Bakteeriyadaasi ayaa la sheegay inay awoodi karto inay dadka u geeriyoodaan ama ay xanuun ka qaadaan.
Maxamed Cabdi Cali waxaa la xiray bishii la soo dhaafay ee April 29-ka, isagoo ku sugnaa Isbitaalka Wote oo ku yaalla Degmadda Makueni ee Kenya.
Boliska waxay sheegeen inuu ahaa Dhakhtar wax ku soo bartay Jaamacadda Kampala International University ee Uganda, isla markaana uu magacyo kala duwan lahaa.
Dhinaca kale, Dacwad-oogayaasha Kenya waxay Maxkamadda ka codsadeen inay soo saarto Amar lagu soo xiri karo Labo nin oo lala xiriirinayo Kiiska loo haysto Lammaanayaasha.
Abaalmarin Lacageed ayaa horey loo dul dhigay Labada nin ee haatan la amray in la soo qabto Axmed Hiish iyo Faarax Dagane, kuwaasi oo la sheegay inay dhuumasho galeen, kadib, markii la xiray Maxamed Cabdi Cali.
©Radio Dalsan