Ugu yaraan 8 ruux oo isugu jiray Askar iyo dad shacab ah ayaa ku geeriyooday, halka 9 kalena waxaa ay ku dhaawacmeen qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee barqadii Maanta ka dhacay Barta laga ilaaliyo Madaxtooyada ee Isgoyska Ceel-gaabta ee Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa mid loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu fuliyay qof waday gaariga ayaa waxaa dadka ku geeriyooday kamid aheyd Hooyo iyo laba Carruur oo ay dhashay, kuwaasi oo wadada marayay, xiligii uu qaraxu dhacaayay.
Sidoo kale dadka ku geeriyooday qaraxa ayaa waxaa kamid ah Haweeney lagu magacaabi jiray Hibaaq Abuukar oo ka tirsaneyd Xafiiska Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble, sida uu xaqiijiyay Afhayeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Ibraahim Macalimuu..
“Hibaaq waxa ay aheyd gabar firfircoon oo ka mid aheyd tiirarka xafiiska gaar ahaan qeybta Arimaha Haweenka. Qoyska Ilaah Samir ha ka siiyo iyada iyo intii kale ee xaqdarada ku dhimtayna naxariisto janno Eebe ha siiyo†ayuu yiri Maxamed Macalimuu.
Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay  Isgoyska Ceel-gaabta ee Magaalada Muqdisho, iyagoona tilmaamay inay la beegsadeen Gaadiid ay la socdeen Mas’uuliyiin ku socotay Xarunta Madaxtooyada.