Boliska dalkaasi waxay gacanta ku dhigeen 2 Dhallinyaro oo u dhashay dalkasi, kuwaasi oo lagu helay inay xoog ku kufsadeen 2 Haween Soomaali.
Wargeyska Malinlaha ee Al-rai ee ka soo baxa Caasimadda dalkaasi ee Kuweyt City ayaa qoray in Labo haween dhallinyaro Soomaali ah lagu fara-xumeeyey Beer ku taalla Degmadda Wafra.
Haweenkaasi ay saaxiib la ahayd mid ka mid ah raggii kufsaday, oo ay horey ugu sheegay inuu guursan doono.
Eedeysanaha ayaa la sheegay inuu Haweeneyda ka codsaday inay ku kulman Xaafadda Qadisiya si ay ugu haasaawaan.
Haweeneyda waxay horey u sii wehlisay gabar kale oo ay saaxiibo yihiin, si ay u soo aragto Ninka ay ku ballameen Guurka.
Wargeyska Al-rai ayaa sii qoray inay Labada gabdhood raaceen gaari uu watay Ninkii la ballansanaa oo uu Nin kale wehliyo, waxayna ula jiheysteen Beer ku taalla Deegaanka Wafra, halkaasi oo si khasab ah ugu kufsadeen Gabdhihii Soomaalidda.
Dhinaca kale, Â mid ka mid ah Gabdhahaasi ayaa ku wargelisay Boliska Xad-gudubka loo geystay iyada iyo saaxiibteeda, waxayna Boliska ku guuleysteen in la soo qabto raggii xadgudubka geystay.
Eedeysanayaasha waxaa loo gudbiyey Xeer-ilaalinta dalkaasi, waxaana ku socda Baaritaan.
Sidoo kale, Haweenka Dhibanayaasha ayaa iyagana loo diray Isbitaal, si loo soo xaqiijiyo in la kufsaday.
Xigasho: Al-rai
©Radio Dalsan