Maxkamadda Deegaanka Shanzu ee magaalladda Mombasa ee dalka Kenya ayaa shalay la soo taagay 3 Haween Somali lagu eedeynayo inay gabbaad siiyeen haweeney lagu magacaabo Tasmin Yakub oo ka mid ahayd saddexdii gabdhood ee lagu dilay Weerarkii ay bishan September 11-dii ku qaadeen Saldhigga Dhexe Boliska ee magaalladda Mombasa.
Maxkamaddu waxay amartay in Haweenkaasi oo lagu kala magacaabo Naciima Maxamed Axmed, Saciida Cali Xaaji iyo Shukri Cali Xaaji lagu sii hayo Xabsiga Mombasa tan iyo bisha soo socota ee October 18-da.
Garsooraha Maxkamadda, Emmanuel Matunga ayaa sheegay inay Boliska codsadeen in la siiyo waqti dheeraad ah oo ay ku baaraan kiiska loo haysto Haweenkaasi oo ay ku jirto Haweeney Dhagool ah.
Haweenkaai ayaa la filayaa in bisha soo soocta ee October 18-da mar kale la soo taago Maxkamadda.
ΓΒ©Radio Dalsan
ΓΒ