Waxaa maanta garoonka diyaaradaha magaaladda Hargeysa si aad ah loogu soo dhaweeyay siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa.
Soo dhaweenta Buubaa ayaa waxaa ka qeybgalay xisbiyadda Mucaaridka Somaliland iyo Shacabka Reer Hargeysa.
Siyaasi Buubaa oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in muddo kadib uu soo gaaro magaaladda hargeysa ee Maamulka Somaliland.
Waxaa kale oo uu sheegay in shacabka iyo Somaliland uu u rajeynayo horumar islamarkaana qudhiisa uu ka qeyb qaadanayo Horumarka Somaliland.