Maxkamadda G/Banaadir oo  soo gabagabeysay dhageysiga kiis uu eedeysane ka yahay Hanad Cabdiraxmaan Maxamed ayaa soo saari doonta go’aan rasmi ah.
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa u fariisatay dhagaysiga garmaqalka kiis dacwadeed uu eedeysane ka yahay Hanad Cabdiraxmaan Maxamed, kaas oo xafiiska Xeer-Ilaaliyaha guud Qaranka uu kusoo eedeeyey faafinta muuqaalo iyo sawirro khilaafsan dhaqanka suuban ee Bulshada Soomaaliyeed.
Xafiiska Xeer-ilaalinta ayaa soo bandhigay muuqaalo iyo sawirro uu baraha bulshada ku faafiyay ninkaan, iyadoo la sheegay in waxyaabaha uu baahiyey ay kasoo hor jeedaan dhaqanka bulshada.
Maxkamadda ayaa soo gabagabeysay dhageysiga kiiskaan, waxayna ka soo saari doontaa go’aan rasmi ah.