Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo maanta guddoomiyay shir looga hadlayay arrimaha canshuuraha.
Shirkan ayaa waxaa qabanqaabadiisa lahaa Wasaarrada Maaliyadda Dowladda Hirshabeelle waxaana ka qeyb galay madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), guddoomiyayaasha labada Gobal ee Shabeellada dhexe iyo Hiiraan waxaa kale oo ku wehlinayay guddoomiyayaasha degmooyinka Hirshabeelle.
“Waxaa kordhay dhaqaallaha Hirshabeelle waxaana sabab u ah dadaalka aan ugu jirno ka hortaga musuqmaasuqa, dhaqaallahaasi waxaan ugu faa’ideysan doonaa mashaariic kala duwan oo ay hirgelineyso Hirshabeelle.â€
Ugu dambeyn madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa faray dhinacyada dhaqaallaha ee Hirshabeelle inay dhowraan ammaanada haddii kale ay cawaaqib adag la kulmi doonaan.