Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) oo maanta dhagax-dhiggay wadada isku-xirto Garoonka diyaaraddaha Maxamed Dheere iyo magaalada Jowhar.
Masuuliyiinta shirkadda Adeegsan oo u xil-saaran dhismaha waddada ayaa madaxweynaha u faahfaahiyay baaxada shaqadda iyo xilliga ay soo dhammaaneyso.
“Sannad iyo bar oo dagaal ah kaddib Hirshabeelle isku-tashi ayay ku dhisaneysaa deegaanadeeda. Alle ayaa mahad leh oo maanta noo suurageliyay inaan biloowno dhismaha waddada xiriirisa garoonka iyo magaalada Jowhar.â€
Ugu dambeyn madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa shacabka Hirshabeelle ugu baaqay inay Dowladdooda garab istaagaan.