Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Isniinti shalay ku baaqay in tallaabo adag la qaado, si loo soo afjaro dagaalka sokeeye ee 18-ka bilood ka socda dalka Sudan.
Hadalkan ayaa imanaya xilli ay malaayiin qof oo reer Sudan ah ay wajahayaan macaluul kaddib marki ay guryahoodii kasoo barakiciyeen colaadda u dhaxeysa Ciidamada Millatariga iyo Kooxda Fallaagada RSF, kuwaas oo isku haya awoodda waddanka.
Hadal uu ka jeediyay kulan gaar ah oo ay Golaha Ammaanka ee QM ka yeesheen xaaladda Sudan, ayuu Guteresh in ” si joogto ah ay uga codsanay labada dhinac inay joojiyaan dagaalka oo ay yimaadaan miiska wadahadalka, balse inti ay hoo su dhigi lahaayeen xiisadda ay ka door bideen in ay ficillada millatari ay sii kordhiyeen”.
Madaxa Qaramada Midoobay ayaa sheegay in “dhibaatooyinku ay sii kordhayaan maalinba maalinta ka danbeysa†isagoo ku baaqay in la joojiyo colaada, la ilaaliyo rayidka, sare loo qaado gargaarka bini’aadantinimo, isla markaana si deg deg ah loo joojiyo hubka iyo rasaasta labada dhinac.
Waxa uu sidoo kale walaac xoogan ka muujiyay xaalada caasimada Waqooyiga Darfur ee Al Fasher, halkaasi oo uu ka socday dagaal tan iyo bartamihii bishii April.