Israa’iil ayaa shaaca ka qaaday in ay duqeyn xooggan ku qaadday xarunta sirdoonka ee ururka Xisbullah ku leeyahay magaalada Beyrut, caasimadda Lubnaan. Duqeyntan ayaa ka dhacday waaberigii saakay, iyadoo qaraxyo xoogan laga maqlay koonfurta Beyrut. Israa’iil ayaa sheegtay in ay qiimeyneyso khasaaraha ka dhashay weerarkan, inkastoo ilaa hadda aysan jirin faahfaahin buuxda oo ku saabsan heerka waxyeellada.
Duqeyntan ayaa qeyb ka ah colaadda ka taagan gobolka, iyadoo Israa’iil digniin u dirtay dadka ku nool saddex xaafadood oo ku yaalla koonfurta Beyrut, iyagoo ugu baaqay in ay ka baxaan goobahaas si looga fogaado khasaare naf iyo maalba leh. Koonfurta Beyrut waa aagga ugu weyn ee Xisbullah ku xooggan yahay, waxaana halkaasi ka socda dagaallo culus oo u dhaxeeya kooxdan iyo ciidamada Israa’iil.
Dhanka kale, Israa’iil weli kama jawaabin duqeymo ballaaran oo kaga yimid Iran maalmo ka hor. Iran ayaa sheegtay in ay ku dhawaad 200 oo gantaal oo balistiig ah ku garaacday bartilmaameedyo kala duwan oo ku yaalla gudaha Israa’iil, taas oo ay ku tilmaantay aargoosi ay uga jawaabeyso weerarada Israa’iil ay ku qaaday Lubnaan. Weeraradan Iran ayaa u muuqda kuwo si weyn uga qeyb qaadanaya xaaladda sii huraysa ee colaadeed ee gobolka.
Dagaalka saddexda toddobaad ka socday Lubnaan ayaa sababay barakaca ku dhawaad 1.2 milyan oo qof oo ah dadkii degganaa goobaha la duqeeyay. Xaaladda bini’aadannimo ayaa sii xumaaneysa, iyadoo tiro badan oo dad ah ay ku barakaceen dagaalka ba’an ee u dhexeeya Israa’iil iyo Xisbullah, oo isugu jira duqeymo cirka iyo dhulka ah. Tani waxay sare u sii qaadday walaaca caalamiga ah ee ku saabsan xaaladda gobolka iyo baahida loo qabo in xal nabadeed degdeg ah laga gaaro colaadda sii xoogeysaneysa.