Guddiga maamulaya Doorashada kuraasta Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka ee Somaliland gaar ahaan xubnaha uu soo magacaabay Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa Caawa Guddoon ku doortay Magaalada Muqdisho.
Xubnaha Guddiga oo ka kooban 4-xubnood ayaa Guddoomiyaha Guddiga Doorashada kuraasta Somaliland u doortay inuu noqdo Suleymaan Ceydiid Cismaan, halka Guddoomiye ku-xigeenka loo doortay Cabdishakuur Abiib Xayir.
Doorashada Guddoonka cusub ee Guddiga doorashada Somaliland garabka Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Xubin kamid ah Guddiga doorashooyinka heer Federaal.
Guddoomiye Suleymaan Ceydiid Cismaan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in aan Maanta lagu soo wargelin doorashadii ay Guddoonka ku doorteen Guddiga Doorashada Somaliland, ayna ku arkeen baraha Bulshada oo kaliya.
Sidoo kale Guddoomiye Suleymaan Ceydiid ayaa Guddiga doorashooyinka heer Federaal ku eedeeyay inay wax ka ogaayeen Doorashadii ay qabteen xubnaha Garabka Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed.
Guddiga doorashada kuraasta labada Aqal ee Somaliland xubnaha Mahdi Guuleed ayaa Guddoomiye Maanta u doortay Khadar Xariir Xuseen, halka Guddoomiye ku-xigeenkiisa loo doortay Najiib Xuseen Samaale.
Sida muuqata khilaafkii Siyaasiyiinta labada garab ee Gobolada Waqooyi ayaa dib u soo laba kacleeyay, iyadoo Guddigii labada garab ee ka yimid Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed iyo Guddoomiye Cabdi Xaashi ay khilaafka darteed labo hotel u kala dageen.