Musharax Madaxweyne Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa hadalkaasi ka sheegay Munaasabad ballaaran oo ay Kumanaan qof ka soo qeyb galeen oo maanta lagu qabtay Hotelka City Palace ee magaalladda Muqdisho.
Wuxuuna  uu si rasmi ahaan ugu shaaciyey inuu yahay Musharax u taagan Doorashadda Madaxweynenimadda Somalia ee la filayo inay qabsoonto bisha soo socoto ee October 30-da.
Musharax Jibriil Ibraahim Cabdulle waxa uu u mahad celiyey Dhallinyarradda Soomaaliyeed oo uu sheegay inay ku dhiiri-geliyeen inuu isku soo taago Xilka Madaxweynaha, si uu u dhiso Mustaqbalka Da’ yarta Soomaaliyeed.
Musharxa waxa kale oo uu ka hadlay Qorshihiisa Shaqo haddii uu ku guuleysto Doorashadda Madaxweynenimo, wuxuuna tilmaamay inuu wax badan ka qaban doono Ammaanka, Mooraalka Ciiddamadda iyo inuu Shaqooyin u abuurayo Dhallinyaradda Soomaaliyeed ee shaqo la’aanta hayso iyo kuwa ku le’anayo Tahriibka Baddaha.
Musharax Madaxweyne Jibriil Ibraahim Cabdulle waxa kale oo uu sheegay inuu Socdaal ku soo kala bixi doono Caasimad-gobaleedyadda ay ka dhacayaan Doorashooyinka, si uu ugu soo bandhigo Qorshe-hawleedkiisa afarta sanno ee soo socota.
“Afarta sanno ee soo socota, waxay ka culus tahay 60-kii sanno ee la soo dhaafay, waxaana loo baahan yahay in si wadajir looga qeyb galayo Hawlaha Xasaasiga ee lagu horumarin doono Dadka iyo Dalka†ayuu yiri Musharax Madaxweyne Jibriil Ibraahim Cabdulle oo horey Guddoomiye uga ahaa Hay’adda Cilmi-baarista iyo Wada-xaajoodka (Centre for Research and Dialogue (CRD).