Guddoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir, Maxamuud Axmed Nuur “Tarzan†oo Wareysi siiyey Wargeyska The Guardian ayaa shaaciyey in loo baahan yahay inay Dowladda Federalka kasbato Taageeradda Ummadda, si looga guuleysto Dagaalka Alshabaab.
Siyaasigaasi oo haatan ah Guddoomiyaha Xisbiga Caddaaladda Bulshadda “The Social Justice party†waxa uu tilmaamay in loo baahan yahay inay Dowladda Federalka xoojiyaan xiriirka ay la leeyihiin Dhallinyaradda iyo Haweenka, inay la yeeshaan Kulamo caadi ah iyo in la dhiso Maxkamadaha Wareegga.
“Dowladdu waa inay muujiso inay dadka daryeelayso, isla markaana ay dadweynaha siiyaan Adeegyo, loona abuuro shaqooyin†ayuu yiri Tarzan oo hoosta ka xariiqay inay Dowladda guuleysan karto haddii ay ka faa’ideystaan Awoodda Shacabka.
“Helitaanka Biyaha iyo Nalka kadib, waxay dadweynuhu u baahan yihiin inay dareemaan Ammaan iyo Badbaado†ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee Gobalka Banaadir
Dhinaca kale, Tarzan waxaa wax laga weydiiyey Dagaalka u dhexeeya Dowladda iyo Alshabaab, wuxuuna sheegay inuusan dagaalkaasi ahayn mid u dhexeeya laba ciiddan, isla markaana ay Alshabaab ku dhex jiraan Mujtamaca.
Mar wax laga weydiiyey Mustaqbalka magaalladda Muqdisho waxa uu rajo ka muujiyey inay Muqdisho dhismi doonto, laguna guuleysan doono Dagaalka Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri.
“Somalia way awoodaa inay ka baxdo Xaalladdan Fowdada leh, Somalia waxay noqon doontaa Ammaan†ayuu yiri Siyaasigaasi oo intaasi ku daray inuu filayo inay Beesha Calaamka iyo Dowladda Britain taageeri doonaan Dib-u-dhiska Milliteriga Somalia.
Si kastaba ha aahaatee, Guddoomiyihii hore ee Maamulka Gobalka Banaadir iyo Duqa magaalladda Muqdisho, Maxamuud Axmed Tarzan oo xilkaasi hayey  muddadii u dhexeysay  bishii July ee sannadkii 2010-kii ilaa bishii Feberaayo ee sannadkii 2014-ka ayaa waxaa lagu xusuustaa inuu Maamulkiisa wax badan ka qabtay Ammaanka, Isdhexgalka Bulshadda, Soo-celinta Bilicda iyo Adeegyadda Bulshadda, wuxuuna Waddooyinka ugu muhiimsan magaalladda Muqdisho ku rakibay Nalalka ku shaqeeya Iftiinka Cadceeda ee Solarka.
Dhinaca kale, dadka naqdiya Waxqqabadkii Guddoomiyihii hore ee Gobalka, waxay tilmaamaan inuu ku fashilmay qorshihii uu ku sheegay inay  ku hawlan yihiin sidii ay Dadka Muqdisho ku heli lahaayeen Biyo Nadiif ah.
Waxaa Turjumay: Axmed Xaaji Ugaaska
©Radio Dalsan      Â