Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federalka ee XFS, C/raxmaan Maxamed XuseenOdawaa’,  waxa uu bishan November 16-dii soo saaray Wareegto lagu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Degmadda Waaberi ee magaalladda Muqdisho.
Waxaana xilkaasi loo magacaabay Xuseen Axmed Culusow.
Wareegtadda Wasiirka ayaa waxay daba socotay Qoraal uu Guddoomiyaha Gobalka Banaadir xilkii kaga qaaday Guddoomiyihii hore ee Degmadda Waaberi, Xaawo-kiin Maxamuud Cali oo safar Musharximo Xildhibaan ugu sugan magaalladda Cadaado.
HALKAN KA AKHRISO WAREEGTADDA WASIIRKA ARRIMAHA GUDAHA IYO FEDERALKA IYO TAN GUDDOOMIYAHA GOBALKA BANAADIR:
©Radio Dalsan