Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) iyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Feysal Caraale Afrax ayaa kormeer ay ugu kuur-galayeen xaaladda amni ee Caasimadda Muqdisho ku tagay qeybo ka mid ah Degmada Yaaqshiid.
Guddoomiye Yabooh oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedka kormeeran uu ahaa mid lagu doonayay in lagu ogaado xaqiijinta amniga degmada Yaaqshiid, isla markaana kormeerka uu noqon doonno mid joogto ah oo loogu kuurgalayo Amniga Caasimadda.
Waxa uu Bulshada kula dar-daarmay in ay qaataan doorkooda ku aadan sugida Amniga, iyagoo la shaqeynaya Maamulka degmada iyo laamaha Amaanka si loogu hortago falalka amni darro ee xilliyada qaarkood dhaca.
Isaga oo sii hadlaayay ayaa waxaa uu tilmaamay Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir in shacabka kunool caasimadda Muqdisho ay u baahan yihiin amni, lana doonayo inay shacabka la shaqeeyaan laamaha amniga.
Kormeerkaan oo uu qeyb ka ahaa Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Suleymaan Maxamuud Maxamed iyo Saraakiisha Amniga Degmada, ayaa waxa uu Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir mid mid u xog-wareystay qeybaha kala gedisan ee Bulshada iyo Ganacsatada, isagoona la shaah-cabay Odayaal iyo dadka deegaanka oo meel fagaare ah ku caweenayay.