Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo Maanta  hoygiisa Muqdisho ku qaabilay Mohamed Ahmed Othman Al Hammadi oo ah Safiirka dalka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa Safiirka ka guddoomay hambalyo uu uga siday dalkiisa oo ku aaddan Guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad, kuna boggaadiyay shaqada Golaha.
Guddoomiyaha ayaa danjiraha Imaaraadka Carabta  Mohamed Ahmed kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaraan dadaalada horumarineed ay dalka ka wadaan iyo sii xoojinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa tan iyo markii la doortay waxaa kulamo kala duwan ka wadaan magaalada Muqdisho, wuxuuna horey ula kulmay qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka oo uu kala hadlay doorashada Madaxweynaha…