Doorashada ka dhacday Magaalada  Qardho, ayaaa waxaa kusoo baxay Cabdiqaadir Siciid Qaal oo ku guulaystay duqa cusub Magaaladaasi ahna gudodomiyaha golaha deegaanka.
Cabdiqaadir Siciid Qaal ayaa ku guulaystay duqa cusub kadib markii uu 7 cod dheeraaday musharraxii la tartamayey ee ururka Kaah Maxamed Faarax Cabdi Buraale. Kaasi oo lagalay tartan adag.
Guddoomiyaha cusub ee Qardha ayaa helay 20 cod oo ah mudanayaasha golaha deegaanka, halka masuulka kale ee la tartamayey uu heley codod gaaraya 13 cod.
Tirada guud ee golaha deeegaanku ayaa ka kooband 33 xubnood, waxaana sidoo kale Tirada codadka uu ku soo baxay guddoomiyaha cusub ee degmada Qardho ay isku darka tiradii xubnaha galaha deegaanka ay ka heleen ururada Mideeye iyo Sincad.