Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane, Yuussuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa gaaray taliska ciidamada Xoogga Dalka ee degmada Aadan Yabaal, halkaas oo ay ku sugan yihiin cutubyo ka tirsan Ciidanka Xooga Dalka.
Ujeeddada safarka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ah sidii uu u dhiirrigelin lahaa ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka ee howlgallada ka wada deegaanada ay AlShabaab kaga sugan yihiin Galmudug iyo Hirshabelle.
Magaalada Aadan yabaal ayaa waxaa sidoo kale ku sugan Ra’iisul wasaaraha XFS, Madaxweynaha Hirshabeelle iyo mas’uuliyiin kale, iyagoo halkaasi ka wada sidii loo dhiirri gelin lahaa Ciidanka xoogga dalka iyo bulshada halkaasi ku dhaqan, kuwaas oo u diyaarsan sidii ay u dhamaystiri lahaayeen howlgallada looga soo hor jeedo AL-Shabaab.