Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa tacsi u diray dowladda iyo shacabka Isutaga Imaaraatka Carabta saraakiisha ku naf waayey weerarka argagixisanimo ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho.
“Innaa lilaahi wa innaa ileeyhi raajicuun. Waxaan dowladda iyo shacabka aan walalaha nahay ee Imaaraadka Carabta uga tacsiyeynaynaa saraakiishii ku naf waayey falkii argagixisanimo ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaan Alle uga baryayaa inuu janadiisa hooy uga yeelo, intii uu dhaawac kasoo gaarayna caafimaad sariic ah”.
Guddoomiye Sheekh Aadan oo tilmaamay in saraakiishaas ay dalkeena u yimaadeen in ay ka qeyb-qaataan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed, ayaa dowladda iyo shacabka aan walaalaha nahay ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta uga mahadceliyay garab istaagga joogtada ah ee dib u dhiska iyo horumarinta dalkeena.
Weerarkii xalay ka dhacay Xerada Jen. Gordan ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana Imaaraadka looga dilay Weerarka afar sarkaal iyo hal sarkaal oo u dhashay Baxreyn, sidoo kalena waxaa dhaawacmay ku dhawaad 10 Askari oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib.