Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa waxa uu booqday Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo arrimo caafimaad u jooga Magaaladda Istanbul ee Dalka Turkiga.
Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in Guddoomiye Jawaari xaaladiisa ay aad u wanaagsan tahay islamarkaana uu caafimaad qabo waxa uuna Alle uga baryay inuu caafimaadka u siyaadiyo.