Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay waxaa uu  magacaabay La-taliyihiisa dhanka arrimaha Siyaasada iyo Amniga.
Wareegto uu soo saaray Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayuu La-taliyihiisa ugu magacaabay inuu noqdo Maxamed Xasan Idiris oo horey u ahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaankii 10-aad ee waqtigiisa dhammaaday.
Magacaabista Maxamed Xasan ayaa ku timid, sida lagu caddeeyay wareegtada baahi Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka u qabo in la helo La-taliye iyo waayo-aragnimo leh xaga Arrimaha siyaasadda iyo amniga.
Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdikariin Buux ayaa waxaa la faray inuu dhammeeyo habraac maamuuska La-taliyaha iyo meelmarinta Go’aanka sida ugu haboon ee sharciga waafaqsan.
Hoos ka Akhriso Wareegtada magacaabista.