Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maantaรย kulan la qaatay Safiirka Jaamacada carabta u fadhiya dalka Soomaaliya Amb. Salah Elguneid.
Danjiraha oo Guddoomiyaha ugu mahadceliyey soo dhoweynta loo samaayey ayaa xusay in Baarlamaanka kaalin muuqato uu ku yeesho Jaamacada carabta.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa Jamaacada carabta ku ammaanay in doorka muhiimka ah ay ku leedahay iskaashiga dhanka horumarada iyo tayeynta howl-wadeenadda Golaha Shacabka.
Sidoo kale Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Safiirka uga mahadceliyay booqashada uu ugu yimid, isagoona ka dalbaday xoojinta iskaashiga dhanka horumarada ee labada dhinac.