Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo maanta kulan mira-dhal ah la yeeshay saaxiibbada Beesha Caalamka, gaar ahaan kuwooda lagu magacaabo C6+.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii doorashada lagu soo gabagabeyn lahaa si nabdoon oo waafaqsan hannaanka doorashada dadban iyo baahida loo qabo in la horumariyo qorshaha dhismaha dowladnimada Soomaaliya.
Wakiilada Beesha Caalamka ee loo yaqaano C6+ ayaa uga mahadceliyay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ajiibida kulanka oo ahaa mid muhiim u ah mustaqbalka dalka.
Kulankaan uu Guddoomiye Aadan Madoobe la yeeshay Beesha Caalamka ayaa waxaa ka horreeyay kulan uu isla Maanta la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada Booliska, Milateriga iyo Nabadsugida, wuxuuna kala hadlay amniga doorashada Madaxweynaha.
Saraakiisha ciidanka ayaa looga digay in aysan ku milmin siyaasadda, amniga doorashadana ay kaga amar qaataan Guddoomiyaha Golaha Shacaka inta lagu jiro marxaladda kala guurka illaa uu dalka ka yeelanayo Madaxweyne.