Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa booqday cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwo cusub oo tababar ugu socday magaalada Xudur ayuu ku dhiirageliyay dalka iyo dadka si daacad ah loogu shaqeeyo.
Saraakiisha Ciidanka Xoogga ayaa Ku-simaha Madaxweynaha JFS warbixin ka siiyay xaalada ciidanka qaranka waxayna ballan qaadeen in ay dalka ka saari doonaan dagaalamayaasha AL-Shabaab.
Ku-simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la hadlay ciidanka qaranka ayaa ku ammaanay difaaca qaranimada, midnimada iyo jiritaanka dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ka go’antahay dagaalka Al-Shabaab.