Maamulka Puntland ayaa Maanta oo jimco ah soo gaba-gabeynaya doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda, waxaana Magaalada Garoowe ka socota doorashada lixda kursi ee ugu dambeeysa kuraasta Golaha Shacabka ee Puntland.
Doorashada kursiga tirsigiisu yahay #GSH073 ayaa waxaa ku tartami lahaa laba Musharax oo kala ah  Eng Maxamed Cabdullaahi Keyse iyo Cabdullaahi Cabdi Jaamac, balse inta aysan bilaaban ayaa waxaa doorashada ka haray Cabdullaahi Jaamac.
Kursigaan ayaa waxaa qaab gacan taag ah loogu coddeeyay oo kusoo baxay Eng Maxamed Cabdullaahi Keyse, isla markaana waxaa uu helay Codadka 101 Erg oo fadhiday hoolka, kadib markii uu doorashada ka tanaasulay Musharax Cabdullaahi.
Doorashada kursiga tirsigiisu yahay #GSH199 ayaa waxaa kusoo baxay oo ku guuleystay Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamulka Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur yare Sanyare oo loogu coddeeyay qaab gacan taag ah, kadib markii loo tanaasulay.
Guddoomiye Cabdiladiif Muuse ayaa helay helay Codadka 100 Erg oo fadhiday hoolka ay ka socotay doorashada, waxaana u tanaasushay Luul Abshir diiriye oo la tartami laheyd, isagoona Guddoomiyaha Gobolka Mudug uu kamid noqday Baarlamaanka 11-aad.