Dowladda Mareykankaa ayaa Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan waxaa ay kala hadashay howgalka ka dhanka ah dagaalamaayasha AL-Shaabab.
Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Larry André ayaa kulan muuqaal ah la qaatay Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte iyo hoggaamiyaal kale oo qayb ka ah howgalka ka dhanka ah AL-Shabaab.
Masuuliyiinta kulanka la yeeshay Safiirka Mareykanka ayaa waxaa ay u gudbiyaan sidii taageero uu uga gaysan lahaa Mareykanku  howlgallada ka socda Hirshabeelle.
Dowladda Mareykanka ayaa taageero dhaqaale iyo mid ciidan ku bixisay howlgalka Al-shabaab  looga saaray gobolka Hiiraan, kuwaasi oo si weyn isaga kaashanaya Ciidanka Millateriga Soomaaliya iyo Ciidanka degaanka ee Macawisleyda loo yaqaanno.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaana doorweyn ku leh howlgallada ka socda Gobolka Hiiraan, waxaana dowladda mareykanka ay ka mdi tahay dowladdaha sida xooggan ugu lugta leh dagaalada ka dhanka ah AL-Shabaab.