Wararka naga soo gaarayo Deegaanka Ceel-baraf ee Gobalka Sh/dhexe waxay sheegayaan inay Dagaalyahano ka tirsan Xarakadda Alshabaab jidka u galeen Kolonyo gaadiid oo uu la socday Guddoomiyaha Degmadda Jalalaqsi, Maxamed C/lle Fiidow.
Weerarkaasi waxaa la sheegay in lagu dhaawacay Guddoomiye Fiidow, iyadoo 2 ka mid ah Ilaaladiisa la dilay, halka mid kalena la dhaawacay.
Guddoomiyaha Degmadda Jalalaqsi ayaa sheegay inuu ka badbaaday weerarkaasi oo lagu qaaday xilli uu ka soo ambabaxay Jowhar, kuna sii jeeday Jalalaqsi.
Warar ayaa waxay sheegayaan inuu Guddoomiyaha soo gaaray dhaawac fudud, laguna daaweynayo Isbitaal ay leeyihiin Ciiddanka Hawlgalka AMISOM.
Dhinaca kale, Qoraal ay Xarakadda Alshabaab soo saareen ayaa lagu sheegay inuu si dirqi ah kaga baxsaday Guddoomiyaha Degmadda Jalalaqsi, inkastoo weerarkaasi lagu dilay qaar ka mid ah Ilaaladiisa.
©Radio Dalsan