Guddomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Fderaalka Soomaaliya  Sheekh Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxa maanta hoygiisa ku soo booqday Ra’iisul Wasaarihi hore ee dalka, ahna musharax madaxweyne Xasan Cali Kheyre.
Musharax Xasan Cali Kheyre wuxuu bogaadiyay doorashooyinkii labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad, wuxuuna u hambalyeeyay guddoonka la doortay.
Waxayna si gaar ah Guddomiyaha iyo musharaxa uga wada hadleen in si wadajir ah looga shaqeeyo qabashada doorasho hufan oo daah furan.
Sidoo kale Guddomiyaha Golaha Shacabka ayaa hoygiisa kulan salaan iyo xog-waraysi ah uga imaadey madaxweynihii hore ee dalka ahna musharrax madaxweyne Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Waxaana ay ka wada hadalnay muhiimadda uu dhameystirka hannaanka doorashooyinka u leeyahay maareynta marxaladda kala-guurka iyo abuuridda xasillooni siyaasadeed.