Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha iyo Madaxweyne K/Xigeenka cusub ee maamulka Soomaaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo Maxamed Aw-cali Cabdi oo ku guuleystay doorashadii dadwaynaha ee ka qabsoontay Soomaaliland.
Guddoomiyuhu wuxuu bogaadinayaa musharraxiintii xilka madaxtinnimo, Guddiga Doorashada iyo dhammaan shacabka Somaliland dadaalkii ay geliyeen sidii loo sii adkeyn lahaa dimuqraadiyadda qaan-gaarka ah ee ka jirta Soomaaliland.
“waxaan bogaadinayaa bisyalka siyaasadeed, ilbaxnimada iyo dimoqraadiyadda ay muujiyeen bulshada ku dhaqan Soomaaliland oo si nabad ah codkooda ku doortay madaxdii xukumi lahayd, arrintaas waxay tusaale wanaagsan iyo ku dayasho u tahay deegaannada kale ee Soomaaliya inay ka shaqeeyaan iska kaashadaan nabadda dimoqoraadiyadda iyo in shacabku ay codkooda ku doortaan madaxdii xukumi lahaydâ€.
Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa u rajeeyay shacabka iyo madaxda la doortay ee Soomaaliland isbeddel miro-dhal ah oo horseeda xasillooni buuxda iyo horumar ay si wadajir ah ugu tallaabsadaan bulshada ku dhaqan maamulka Soomaaliland iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo Alle uga baryay Madaxweynaha cusub ee Soomaaliland iyo K/Xigeenkiisa in ay ku guuleystaan gudashada waajibaadka culus ee loo igmaday.