Guddiga ka kooban Wasaaradaha Caddaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka, Amniga iyo DDR-ta, Arrimaha Gudaha, iyo Madaxtooyada ayaa kormeer ku tegey xarumo dowladeed oo ku yaalla Gaalkacyo. Xarumaha ay booqdeen waxaa ka mid ah Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka, Maxkamadda Racfaanka, Maxkamadda Darajada Koowaad, Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida, iyo Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Gobolka Mudug. Guddigu waxay warbixinno ka dhegeysteen mas’uuliyiinta xarumahaas si ay u qiimeeyaan xaaladda amniga iyo caddaaladda gobolka.
Waxaa sidoo kale soo baxday warar sheegaya in is qab-qabsi dhexdiisa ka jiro guddiga la xiriira qaabka loo wajahayo qiimeynta gobolka Mudug, taasoo abuurtay kala aragti duwanaansho guddiga. Kala duwanaanshahan ayaa laga yaabaa inuu saameyn ku yeesho hannaanka qiimeynta iyo go’aamada laga gaari doono gobolka, taasoo laga cabsi qabo inay dib u dhac ku keento dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo horumarka deegaanka. Maamulada sare iyo guddiga dhexdiisa ayaa laga sugayaa in ay xal u helaan is mari waagan iyo in ay isla meel dhigaan qorshaha ugu habboon ee lagu xallinayo caqabadaha jira.