Guddiga Madaxa-bannaan ee Xalinta Khilaafaadka Doorashadda Dadban waxay u yeereen Agaasime-xigeenka Madaxtooyadda, Saaqad Macallim C/kariim iyo Suldaanka Guud ee Beesha Wacaysle, Suldaan Maxamed Cabdi Shido, si loo dhegeysto Kursiga cabashada ka taagan yahay ee uu Saadaq Macallim C/kariim ka qaatay  Qoondada Haweenka.
Ilo-wareedyo ayaa u sheegay Radio Dalsan inay Saadaq Macallim C/kariim wehliyeen qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Jufada Cali Gaaf iyo Wasiiru-dowlaha Madaxtooyadda ee Xukuumadda Federalka ee uu xilligeeda dhamaaday, Mahad Maxamed Salaad.
Tallaabadda uu Mahad Maxamed Salaad ugu garbinayo Saadaq Macallim C/kariim ayaa muujinaysa Faragelinta qaawan ee ay Madaxtooyadda ku hayaan muranka Kursiga uu Saadaq Macallim C/kariim qaatay oo ah Kursiga Qoondada Haweenka ee Jufada Cali Gaaf ka heleen saami-qeybsiga ay horey isugu af-garteen Jufooyinka Beesha Wacaysle, isla markaana uu Suldaan Maxamed Cabdi Shido saxiixay.
Wasiiru-dowlaha Madaxtooyadda oo aan ku hayb ahayn Ku-xigeenka Agaasimaha Madaxtooyadda, Saadaq Macallim C/kariim ayaa caddayn buuxda u ah Faragelinta ay Waxgaradka iyo Odayaasha Dhaqanka Jufadda Absuge Wacayle horey uga digeen Faragelinta lagu hayo Kursiga Qoondada Haweenka ee la boobay.
Dhinaca kale, Wasiiru-dowlaha Madaxtooyadda, Mahad SMaxamed alaad ayaa waxaa uu ka mid yahay Musharixiinta ay Safaaradda Maraykanka ee Somalia ku eedeysay inay musuqmaaqsaq iyo Ku-takrifal ka muujiyeen Doorashaddii Aqalka Hoose ee ka dhacday caasimadda KMG ee Maamulka Galmudug ee Cadaado.
Mahad Maxamed Salaad ayaa la sheegay inay u codeeyeen Ergo been abuur ahaa oo isugu jirtay Shaqaalihiisa, Ilaaladiisa iyo xubno ka tirsan Beeshiisa, iyadoo Ergadii Rasmiga ahayd loo diiday inay codeeyaan.
Si kastaba ha ahaatee, Â waan idiin soo gudbin doonaa Natiijadda ka soo baxda dhegeysiga Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashadda ee dacwadda ka dhanka ah Ku-xigeenka Agaasimaha Madaxtooyadda, Saadaq Macallim C/kariim ee horey u boobay Kursiga Qoondada Haweenka ee Jufada Cali-gaaf kaga soo aaday Qoondada Haweenka ee xubnaha Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka.
©Radio Dalsan