Guddoomiya Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha Mudane C/kariim Axmed Xasan oo ay weheliyaan xubno ka mid ah Guddiga ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Guddiga ee magaalada Muqdisho.
Guddiga ayaa ka warbixiyay qorshaha istratijiyadda ee ay ku wajahayaan tiirarka muhiimka ah doorashooyinka iyo howlaha hortabinta u leh. Guddoomiyaha ayaa carrabka ku adkeeyey in Guddigu meel Wanaagsan ka gaaray diyaarinta xeerarka aasaaska u ah doorashada, dhisidda hay’adda Guddiga doorashooyinka xarunta iyo xafiisyada dawlad goboleedyadabada.
Howlaha kale ee Guddigu diyaarintooda mudnaanta siiyay waxaa ka mid ah diiwaangelinta ururrada siyaasadda, wacyigelinta codbixiyaha iyo teknolojiyadda fududaynta howlaha doorashada.
Ugu danbeyntii Guddoomiyaha ayaa u ballan qaaday ummadda Soomaaliyeed in ay dhowaan shaacin doonaan qorshaha waqtiyaysan ee doorashada qaybaha uGu horreeya rubuca koowaad ee Sannadkan. Wuxuuna sheegay in ay kala fariisan doonaan dhamaan saamilaydsa siyaasadda u yihiinna dhexdhexaad albaabka guddiguna u furan yahay dhammaan.