Guddiga Joogtada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay dalka Kenya, halkaas oo ay kulamo qibrad wadaag shaqo iyo waayo- aragnimo iswaydaarsi ah kula yeelan doonaan dalka Kenya Golaha Senate-ka.
Xubnaha Guddiga joogtada oo uu hoggaaminayo Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa inta ay Kenya joogaan waxa ay kulamo la yeelanayaan Guddoonka Golaha Senate-ka, guddiyada, iyagoo sidoo kale ka qayb geli doonaa fadhiga guud ee Golaha Senate-ka dalka Kenya.